Waqooyiga Kuurya oo tijaabisay Mashiin casri oo loo adeegsanayo Gantaalladda.

Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un ayaa sheegay in tijaabadda lagu guuleystay tahay Dhalashadda cusub ee Warshadaha Gantaallada ee dalkiisa.

Waxa uu intaasi ku daray inuu dalkiisa ku dhow yahay inay tijaabiyaan Gantaalka Balaastikadda ee isaga kala gudbi kara Qaaradaha ee loo yaqaano Intercontinental ballistic missile.

Wakaalladda Wararka dalkaasi ee KCNA ayaa sheegtay inay Tijaabadaasi  tahay qaab cusub  ee Mashiinka Gantaalladda ridada dheer.

Dowladda Koonfurta Kuurya kama hadlin Tijaabadaasi, halka ay Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha isku raaceen  inay ka wada shaqeeyaan xal-u-helista Diplomaasiyadeed ee Barnaamijka Gantaalladda ee dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media