Wararka ka imaanyaa magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xalay 2 bamb gac,meed lagu weeraray idaacada ku hadasha afka maamulka K/Galbeed .
Wariyaheena Baydhaba ayaa soo sheegaya in bamba oo ku dhacay guri ku dhegan idaacada aanu wax dhibaato ah u geysan idaacada iyo dhismaheeda .
Agaasimaha idaacada oo aan la xiriirnay waxuu sheegay in idaacadu aysan aheyn bartilmaameedka weerarka .
Idaacada Afka K/Galbeed ku hadasha ayaa furan muda hada laga joogo sanad , iyadoo si toos ah ugu hadasha afka maamulka.