Waqooyiga Kuurya oo ku hanjabtay inay quusin doonto Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka.

Faallo lagu qoray Wargeyska ku hadla Codka Xisbig Shqaalaha ee ka tliya dalkaasi ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Kacaanka diyaar u yihiin inay hal duqeyn ku dejiyaan Markabka Maraykanka ee Diyaardaha Xambaara ee , kaasi oo haatan ku wajahan meel ka baxsan Xeebaha dalkaasi.

Wargeyska oo lagu magacaabo the Rodong Sinmun waxa uu Faalladaasi ku soo dabaacay Bogga 3-aad, iyadoo Bogga 1-aad uu ku sawirnaa Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Ul oo kormeeraya beer lagu xannaaneeyo Doofaarka ama Qansiirka.

Dhinaca kale, Dowladda Waqooyiga Kuurya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen Muwaadin Maraykan ah, oo asal ahaan ka soo jeeda Koonfurta Kuurya.

Ninkaasi oo da’da 50-aadka ku jira ayaa la sheegay inuu dalkaasi ku sugnaa muddo hal bil, isagoo Madaxda dalkaasi kala hadlay Dhaqdhaqaaqyadda Samafalka.

Tirada guud ee dadka Maraykanka ee lagu qabtay dalkaasi ayaa la sheegay inay gaarayaan 3-qof, kuwaasi oo lagu hayo Xabsiyada dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media