Waxaa goor dhow qarax xoogan uu ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan iskooska Kaawo Godey meel waxyar u jirta halkii uu bilaawgii sanadkan ka dhacay qaraxii xoogana ee geystay waxyeelada badan.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa oo waxyar ka hor ka dhacay Wadajir, waxaana la sheegay in Miino lagu aasay maaqayad lagu shaaxo oo ku taala iskooka Kaawo Godey, taasi oo ay  fadhiisan jireen ciidanka dowladda.
Goobjooge ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey in qaraxu uu ahaa Miinada dhulka lagu aaso, islamarkaana uusan geysan wax khasaare Nafeed, marka laga tago burbur xoog leh oo gaaray dhismaha maqaayada.