Wakiilka Midowga Afrika oo kormeeray xarun lagu dhaqan celiyo dadkii kasoo goostay Al Shabab

Wakiil gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira ayaa kormeer ku tagay xarun lagu dhaqan celiyo dhalinyarada ka soo goosatay Al Shabab sida ay warineyso SONNA.

Danjire Madeira ayaa halkasi kula kulmay agaasimaha guud ee hay’adda Mudane Malik Cabdalla iyo masuuliyiin kale oo hey’ada ka tirsan.

Waxa uu balan qaaday in ay ku dadaali doonan in dhalinyarada laga saacido dhinacyada tababarka,dhaqan celinta iyo xanaaneynta.

kormeerkiisa waxa ku wehlinayay Taliyaha Ciidamada AMISOM,Danjiraha dalka Burundi ee Soomaaliya iyo xubno dowlada Soomaaliya ka tirsan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor