Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta soo gaaray wafdi sare oo ka socda Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR oo uu hogaaminayay Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Johann Siffointe oo ay wehliyaan Ahmed Ainte, Senior Liaison Officer, UNHCR.
Wafdigan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir {Maareeye} iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Wasiir Maareeye ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, iyagoona ka wada hadlay hadlay arrimaha ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa hayda qaxoontiga aduunka iyo wasaarada warfaafinta Soomaaliya.
Sidoo kale labada dhinac ayaa kala hadlay sidii dadka Soomlaaiyeed ee qaxoontiga ah iyo barakacayaasha ay u heli lahaayeen wacyigalin dhab ah.