Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu ka hadlay Arrimo la xariira dhanka amniga Magaalada Muqdisho, kadib uu ka qeyb galay kulan ka dhacay Muqdisho.
Taliye Xijaar ayaa waxaa uu sheegay in amniga dalka lagu soo duulay, isla markaana haatan uu marayo meel xun ayna jiraan dad badan oo kasoo horjeeda horumarka amniga Magaalada Muqdisho.
Isaga oo sii hadlaayay Taliye Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxaa uu tilmaamay in la diidan yahay in la ilaaliyo amniga Caasimadda oo xitaas la qarxiyay Kaamirooyinkii ku xirnaa Wadooyinka, kuwaasi oo loo adeegsanayay dhanka amniga Caasimadda.
Dhinaca kale waxaa uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska in la qarxiyay Injineeradii la dalka la keenay, isla markaana ka qeyb qaadanayay dhismaha Wadooyinka, isagoona xusay in aan la rabin in dalka uu galo horumar.
Si kastaba Magaalada Muqdisho iyo duleedkeedka ayaa waxaa ka dhaca dilal qorsheysan iyo qaraxayo, waxaana Qaraxyadaas qaarkood lagu dilay Injineero iyo Shaqaalo Turki ah oo dhisayay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye