Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi kale oo hordhac u ah Safarka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku tegaya halkaas.
Wafdigaas ayaa waxaa ku jiray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed, xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Farmaajo iyo fanaanka Caan ah ee Qadar Ibraahim Cali (Qadar Keeyow).
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa wafdigaas kusoo dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb, isagoona kulan gaarka kula qaatay wafdigaas uu hogaaminayay Agaasime Cabdinuur.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinka dambe ee Maanta waxaa la filayaa inay gaaran Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas Maanta ka socda diyaar garoow ballaaran uu ku aadan soo dhaweynta Farmaajo.
Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo lagu gorfeynayo wada shaqeynta labada heer ee Dowladda iyo doorashooyinka Qaran.
Dhuusamareeb ayaa waxaa ku sugan Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid siweyn loo adkeeyay.