Wafdi ka socday Maamulka Hirshabeelle oo gaaray Magaalada Baladweyne + ujeedka

Wafdi u hoggaaminyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose dowladda Hirshabelle Cabdiraxmaan Daahir Guure (karoore), isla markaan u qeyb ka ahaay  Guddoomiyaha Gobolka hiiraan Cali Jeyte Cismaan  ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baladweyne kusoo dhaweeyay ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka ahna Guddoomiye kuxigeenka Koowaad Maaliyada iyo siyaasada Gobolka Hiiraan Xasan Ibraahim Cabdulle iyo masuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Ujeedka wafdiga Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose dowladda Hirshabelle ee Baladweyne ayaa ah dardargalinta howlagalka kasocoda dalka gaar ahaan Hiiraan.

Howlgalkii dowladda kula dagaalameysay Al Shababa ayaa hakad galay muddooyinkii ugu dambeeyay, waxaana safarka Guddoomiye Cali Jeyte iyo Wasiirka ku tageen Baladweyne ayaa kusoo aaday, iyada oo halkaas ay Maanta gaareen saraakiil ka socotay Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor