Ergo xal nabadeed u raadinaya Colaada Magaalada Laascaanood oo gaaray Garoowe

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Laascaanood ee Xarunta Goobolka Sool u dirtay ergo nabadeed, kuwaasoo xal u raadinaya dagaalka khasaaraha badan dhaliyey.

Wafdi uu hoggaaminyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ay kamid ah yihiin Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka kusoo dhaweeyay Isimada dhaqanka iyo Garaadada Gobolada SSC, Ergada ayaa wadahadalada intiisa badan diirada ku saari doona sidii nabad loo raadin lahaa, loona joojin lahaa dagaalka mudada bisha ka socda Laascaano.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ay Isimadan safarka nabadeed ku socda ay tagi doonaan magaalada Hargeysa, oo ay la kulmi doonaan Madaxda Somaliland si ay dhankooda ugala hadlaan sidii dagaalka loo joojin lahaa

Si kastaba, lama oga waxa kasoo bixi doona dadaaladan nabadeed ee socda ee xalka loogu raadinayo dagaalka Laascaanood oo ay ku naf waayeen dad kudhow 400, halka kudhowaad 1000 ruux ay ku dhaawacmeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply