Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminaayay ayaa Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.
Guddoomiye Muuse Geelle iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Muqdisho ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Guddiga doorashada Jubbaland Dr. Siyaad Maxamed Mursal iyo xubno kale oo ka tirsan Guddigaas.
Ujeedka Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay sidii goobjoog uga noqon lahaayeen doorashada kuraasta lixda ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, kuwaasi oo Jadwalkooda xalay la shaaciyey.
Sidoo kale Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa kulamo la qaadan doona Guddiga doorashada Jubbaland iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoona ka wada hadlin doona dardar-gelinta doorashada Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha cusub ee Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle ayaa dhawaan lagu doortay Magaalada Muqdisho, waana safarkii ugu horeeyay ee uu Maanta ku tegay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda Hoose.