Madaxweyne Guudlaawe oo Guddi u magacaabay fatahaada Webiga uu geystay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Guddi u magacaabay fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ka sameeyay magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guudlaawe ayaa lagu magacaabay guddiga fatahaadaha Webiga , kuwaasi oo ka kooban 12-xubnood, oo isugu jira xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyeyaasha Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii wax looga qaban lahaa fatahaada uu sameeynayo Webiga Shabeelle oo saameeyn xoogan ku yeeshay dadkii  kunoolaa magaalada Baladweyne, kuwaasi oo intooda badan ka barakacay magaalada.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maalintii afaraad oo xiriir ah ka socda barakac xooggan oo ay sameenayaan dadka deegaanka, waxa ayna dadkii ay u qaxeen duleedka Baladweyne iyo deegaano hoostaga magaaladaas.

Maamulka Hirshabelle ayaan xal muuqda u helin fatahaada uu sameeyo wabiga Shabelle, waxaana marar badan magaalada Baladweyne saameyn badan ku yeeshay fataahada wabiga sameeyo oo keentay in dad badan magaalada ka barakacaan.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha la magacaabay

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor