Wafdi ka socday Dowladda Federaalka oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo

Wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya khadiija Maxamed Al Makhsuumi oo ay qeyb ka ahaayen Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Saciid Maxamed Cali iyo xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha Sayyid Maxaxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka wasaradda Degaanka iyo dalxiiska Jubbaland Mudane Ceydiid Saleebaan Xaashi, Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Deeganka Jubbaland Maxamed Cabdinuur Beerxaani, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland.

Intaas kadib Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa wafdiga ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan ku wada yeesheen.

Sidoo kale waftiga ayaa waxa ay kormer ku  tagen Wasaradda degaanka iyo dalxiiska Jubbaland iyago u kuurgalayay dhaq dhaqaqa wasaradda iyo shaqadeda, waxaana intasi kadib loo galbiyay aqalka martida Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor