Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa gelinkii dambe ee gaaray wafdi ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiir ku-xigeenka gaadhaandhigga Xukuumadda Cabdifitaax Qaasim Maxamed.
Wafdiga Wasiir ku-xigeenka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle.
Wasiir ku-xigeenka gaadhaandhigga Cabdifitaax Qaasim oo la hadlay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu u sheegay in ujeedkooda Jowhar uu yahay sidii ay kulamo kala duwan ula qaadan lahaayeen Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.
Sidoo kale waxaa uu Cabdifitaax Qaasim sheegay inay ka qeyb geli doonaan Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa oo maalinta berri ah ka dhaceysa Magaalada Jowhar, kadibna ay kulan la qaadan doonaan Madaxda Cusub.
Waxaa kaloo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda uu tilmaamay in kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin kala duwan oo ka qeyb galaya Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa, waxaana amniga Magaalada uu yahay mid siweyn loo adkeeyay.