Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay roobabkii ka da’ay Magaalada Muqdisho oo biyo farabadan dhigay waddooyin waaweyn oo ku yaalla Caasimadda, kuwaasi oo saameyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumart Saalax Dheere oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in dowladda hoose ee Xamar aysan ku filneen xal u helida saameynta ka dhalatay Roobabkii ka da’ay Caasimadda.
Waxaa uu sheegay roobka inuu saameyn ballaaran ku yeeshay dadka masaakiinta iyo qoysaska danta yar ee degan guryo ku yaalla Gobolka, waxay Ganacsada iyo dad kale ee wax heysta ugu baaqdeen in dadkaas ay gurmad gaarsiiyan.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa tilmaamay in biyaha roobka ay xireen waddooyin dhowr ah oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadka, balse Maamulka uu isku dayay inuu sameeyo goobo biyaha ay galaan, hayeeshee biyaha roobka la xakameyn waayay.
Maamulka Gobolka Banaadir iyo qubaro Caalami ah ayuu Saalax dheere sheegay inay sameeyeen daraasd ku aadan sidii wax looga qaban la’aaha biyo fariisidka waddooyinka, balse lagu wargeliyay inay qarash farabadan ku baxeyso arrintaas, wuxuuna Afhayeenka qiray in Maamulka uu xiligaan bixin karin qarashka lagu hagaajinayo waddooyinka.
Ugu dambeyn Maamulka Gobolka ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay Maamulka gacan ku siiyaan sidii wax looga qaban lahaa biyo fariisidka waddooyinka xiliyada roobabka ay da’aan.
Si kastaba Waddooyinka dhowr ah oo ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa ku xiran biyo farabadan oo ka hooray roobab maalmihii lasoo dhaafay da’ayay, waxaana arrintaas saameyn ku yeelatay gaadiidleyda oo isticaamaya waddooyin qardo-jeex ah.