Wafdi ka socda Soomaaliland oo booqanaya Goobihii lagu dagaalamay

Wararka ay Maanta heleyso Idaacadda Dalsan ee Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Wafdi ka socda Maamulka Soomaaliland ay tegi doonaan deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolkaas.

Deegaankaas ayaa waxaa kuwada dagaalamay laba maleeshiyo beeleed,kaas oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaarey labadii maleeshiyo beeleed ee wada dagaalamay.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa hoggaamin doona Xubnaha ka socda Maamulka Soomaaliland ee tegaya deegaanka ceel Afweyn oo maleeshiyaadkii dagaalamay horay loo dhex dhigay xbad joojin KMG ah.

Booqashadaas Wafdi ka socda Soomaaliland deegaanka Ceel Afweyn gobolka ee Sanaag ayaa waxa ay ku soo aadeysaa xilli mowjado dagaal Soomaaliland uga furan yihiin deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Comments
Loading...