Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan la qaatay Madaxweynaha Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre  ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha nahay ee Djibouti  Ismaaciil Cumar Geelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Djibouti uga mahad celiyay gogosha uu u fidiyay Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo dadaalka dheeraadka ah ee uu ku bixiyay in wadahadallada ay guul ku soo dhamaadaan.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda labada dal ee walaalaha ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media