Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Shir uga qayb-galaya Hindiya

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Xaaji Aadan oo Safar shaqo ku gaaray dalka India ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Gandhi Airport ee caasimada New Delhi.

Waxaana soodhaweyay Wasiirka iyo wafdigiisa  Safiirka Safaaradda Soomaaliya Axmed Cali Daahir iyo Qunsulka ahna Ku-xigeenka Safiirka Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Nuur.

Wasiirka inta uu joogo dalkaas waxaa uu ka qeyb gali doona shir caalami ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka dalkaas isla markaana hal ku dhiggga sannadkaan uu yahay ONE EARTH oo ah Caafimaad mid ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor