Waxaa Goordhow Degmada Doolow ee Gobolka Gedo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.
Ujeedka Wasiir Goodax Barre ee Doolow ayaa waxaa uu yahay sidii uu halkaas uga dhagax dhigi lahaa goobo waxbarasho oo qeyb-ka ah mashruuca hormarinta dugsiyada waxbarshada dalka.
Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre iyo wafdiga la socda ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo oo barqanimadii Maanta gaareen, iyagoo halkaas kasoo dhagax dhigay Dugsi Sare oo Cusub.
Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka kamid ah Gobolka ayaa kamid ah wafdiga uu hoggaaminayo Sii-hayaha Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda.
Goodax Barre ayaa safarkiisa Maanta uu ku tegay Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kusoo gaba-gabeyn doonaa sida uu qorshahu yahay Magaalada Balad-xaawo oo ay ka dhagax dhigi doonaan gooba kale oo lagu xoojinayo waxbarashada Gedo.