Wafdi ka socda Dal ka tirsan Afrika oo Maanta ku wajahan Hargeysa

Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa lagu wadaa inay gaaraan wafdi ka socda dowladda Zambia oo kamid ah dowladdaha Afrika, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaas.

Wafdiga ka socda Zambia ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Wasaaradda Cadaalada dalkaas Gavin Lubinda, iyagoona saacadaha soo socda ee Maanta tegi doona Magaalada Hargeysa.

Wasiir Gavin ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya sida aan wararka ku helnay La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Zambia, waxaana kulan gaar ah ay la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muuse Biixi iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Zambia Gavin Lubinda ayaa ka wada hadli doona xiriirka u dhexeeyay labada dhinac iyo Arrimo kale oo qorsheysan, iyadoona la filayo in kulankaas ay ka hadashado Madaxtooyada Somaliland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor