Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho,iyadoo lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Ujeedka Madaxweyne Lafta-gareen u soo gaaray ย Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay tahay qeyb galka Aaska Qaran ee loo sameynayo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray Qaraxii dhawaan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed ayaa Tacsiyo ugu tagay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle Ehelkii iyo Qaraabadii Marxuumka ee Degan Magaalada Muqdisho, waxana Hoygiisa ugu Tacsiyadeeyey Ugaas Maxamuud Cabdulle,isagoo Alle uga bariyey in Janadiisa Fardowsa ka Waraabiyo Marxuumka.
Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ayaa ugu mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Lafta-gareen ) kasoo qeyb galka Aaska Qaran ee Guddoomiye Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisoow.