Waxaa Saakay xaalad deganaansho ah laga dareemayaa Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo,halkaas oo xalay fiidkii ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda Iyo Al-Shabaab.
Dagaalka oo mudo kooban socday ayaa maamulka degmada waxa ay sheegeen in uusan ka dhalan wax khasaaro ah,isla markaana ay iska difaaceen Al-Shabaabkii soo weeraray.
In kastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen in mudo kooban la wareegeen fariisin ay lahaayeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa itoobiya balse waxaa warkaasi beeniyay Maamulka degmada Buurdhuubo.
Wararka saakay heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xaalada degmada ay tahay mid degan,isla markaana Goobtii lagu dagaalamay ay ku sugan yahay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.