Waa sidee Saakay xaalada deegaanka Buula Gaduud?

Xaalad deganaasho ah ayaa saakay laga dareemayaa deegaanka Buula Gaduud ee Gobolka Jubbada Hoose kadib markii shalay aroortii ay ku wada dagaalameen Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Al-Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in weli deegaanka laga dareemayo raadadkii ay reebeen dagaalkii xooganaa ee halkaasi ka dhacay walow maanta wax dagaal ah ka jirin.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Maamulka Jubbaland kana yimid Magaalada Kismaayo ayaa ku sugan Buula Gaduud kuwaas oo caawinaya kuwii horay ugu sugnaa.

Dagaalkii shalay ayaa waxaa Guulo ka kala sheegtay labada dhinac, iyada oo warar madax banaan ay sheegayeen in markii hore ay Al-Shabaab la wareegeen deegaankaas walow markii dambe laga saaray.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media