Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Maanta waxaa la filayaa in uu dhexdhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, waana Kulankii ugu horreeyey ee ay Labada Hoggaamiye weji-ka-weji u yeeshaan tan iyo markii ay Dowladda Kenya soo cayriyeen Danjirihii Somalia, kuna eedeeyeen Somalia inay xaraashayaan Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee Xuduud-baddeedkooda.
Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay Mowqifkeeda Dacwada Muranka Badda ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay Magaalada the Hague ee Dalka Holland.
Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada oo Radio Dalsan kula hadlay qadka telefoonka Nairobi ayaa waxa uu u sheegay in aysan marnaba dowlada ka tanaasuli doonin taako kamid ah dalka.
Sidoo kale Cabdinuur ayaa tilmaamay in kiiska muranka Badda ee yaallo Maxkamadda ICJ ay Soomaaliya ka war dhowreeyso natiijada ka soo baxda Maxkamadda,isla markaana aysan wax hadal ah ka furneyn arrintaasi.
Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay.