Warar ay heleyso Dalsan ayaa sheegaya in Villa Soomaaliya ay ka caga jiideyso inuu Xaaf ku  matalo Galmudug fadhiga Xaaf isagoo madaxweyne ah  iyadoo taa badalkeed codsaneysa Villadu in uu Xaaf shirka madaxweynayaasha iyo maamul goboleedyada ka baaqdo inta laga xalinayo khilaafka isaga iyo ku xigeenadiisa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u yeeray Madaweynayasha Maamul goboleedyada si looga tashado xaaladaha uu dalku galay waxaase hadda muuqata in kulankaas ay mushkiladda Galmudug saameyneyso oo uu baaqan karo hadii labada dhinac go’aanadooda ku adkeystaan.
Tellconfrenece ama wadahadal teleefoonfoon oo ay wada galeen madaxweynayasha maamulada saaka ayaana la xaqiijinaya ineey ku adkeysteen inuu Xaaf shirkaas ka qeybglo ayna ku adkeystaan go’ankaas .
Galmudug ayaa ku jirtay bishii u dambeysay qalalaase maamul oo xita saameeyey hawlihi maamulkaas kadib markii baarlamaanka uu xilkii ka qaaday dhammaan madaxweynaha ku xigeenkiisa iyo gudoomiyaha waxaase ay xaaladdu ka sii dartay markii maxkamada sare ee Galmudug taageertay go’aankaas oo arinka culeys kale si galisay.
Lama oga in Xaaf mar kale noqon karo mudac ay ku sii kala fogaadaan Maamulada iyo Villa Soomaaliya .