Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Jbrahim Macallimu ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin Go’aanka ka soo baxay Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Suxufiyiinta looga mamnuucay inay muddo 60 maalmood gudaha u soo galaan Garoonkaasi.
Macallimu oo saakayto Wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA ayaa sheegay inay Tallaabadaasi caqabad ku tahay Hawlaha Suxufiyiinta u hayaan Ummadda Soomaaliyeed, xilli la guda-galayo Doorashooyinka Qaranka.
Hadalka Mas’uulkaasi ka tirsan Ururka NUSOJ ayaa yimid, kadib, markii uu Maareeyaha Guud ee Amniga Garoonka Aadan Cadde, Jeneral Cabdi Ashkir Jaamac soo saaray Wareegto lagu farayo Suxufiyiinta inaysan muddo 60 cisho gudaha u soo geli Karin Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Halkan ka akhriso Wareegtadda Suxufiyiinta looga mamnuucay Garoonka Aadan Cadde:
©Radio Dalsan