• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, July 16, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Caalamka

Ururka jaamacadda Carabta oo mowqif mideysan ka qaatay heshiiska DP World ee Berbera

Bilan Media by Bilan Media
March 9, 2018
in Caalamka, Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
2
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Sooomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ay wehliyaan safiirka soomaaliya u fadhiyo Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta  Cabdiqani Maxamed Wacays iyo diplomaasiyiinta safaarada  ayaa ka qeyb galay shirka wasiiradda arrimaha dibada ee Dowladaha Carabta oo ka dhacay Qaahira.

Kal fadhiga wasiiradda arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta  aya ahaa kii 149 waxana looga hadlay Sagaal ajande oo kamid tahay warqad Dowladda Soomaaliya u gudbisay ururka jaamacadda carabta kuna saabsan heshiiska baadilka ah ee dekadda Barbara si dowladdaha carabta uga qaatan mowqif mideysan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee soomaaliya oo khudbad taariikhi ah ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Dowladda Imaaraat-ka ay waajib ku tahay iney ixtiraamto madaxbannaanida iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed .

Golaha wasiirradda Jaamacadda Carabta ayaa Ashtakadaasi kasoo saaray baaq ay ku mideysan yihiin oo ah in madaxbanaanida, midnimadda iyo xuduudaha Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan oo Dowladda federaalka ay masuul ka tahay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Safiirka soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ee Jaamacadda Carabta, ayaa intaa ka dib ugu war bixiyay ajandaha guud ee Shirka iyo mowqifka ay Jaamacaddu iska taagtay arrinta Berbera iyo DP World.

“ Ajandayaasha laga hadlay way badnaayeen ilaa Sagaal ayay ahaayeen, waxa kamid ahaa horumarinta Dalalka Soomaaliya, Suudaan ,Yemen, Liibiya iyo Wadamo kale,  waxa annaga gaar inoo ahaa inay jaamacadda Carabta xaqiijiso mowqifkeeda ku aaddan  arrinta soomaaliya sida midnimada iyo Qarannimadda umada Soomaaliyeed iyo in aysan jiri karin shirkad ajnabi ah iyo Dalal shisheeye oo arrimaha Soomaaliya soo fara geliya, shirkad aan Dowladda Soomaaliya ka haysan oggolaash marna kama shaqayn karto Soomaaliya” ayuu yidhi wasiir Cawad.

Safiirka Soomaaliya u jooga Masar  Cabdiqani Maxamed Wacays , ayaa dhankiisa ammaanay Khudbaddii uu wasiirku halkaasi ka jeediyay, isagoo bogaadiyay siduu u dul istaagay heshiiska baadilka ah ee ay wada galeen DP World, Itoobiya iyo Soomaaliland iyo wax yeellada ka iman karto, wuxuuna aad usoo dhaweeyay go’aankii ay ka arrintaasi ka qaadatay Jaamacadda Carabta ee ahaa inay waajib tahay in la ilaaliyo madaxbanaanida, siyaasadda, Qarannimada iyo midnimadda umadda Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa go,aan diidmo ah ka qaadatay heshiiska Sadax geesoodka ahaa ee ay Shirkadda DP-World , Itoobiya iyo Somaliland wada galeen,  iyadoo ku tilmaantay  inuu yahay  baadil meel ka dhac ku ah Qarannimada Soomaaliya, oo uusan sax ahayn heshiis aan soo marin hay’adaha dastuuriga ee Dowladda.

Previous Post

Daawo Sawirrada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Next Post

Agaasime Koofi & Madaxweyne Gaas oo ka wada hadlay ilaalinta xaduudka Soomaaliya

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir
Warar

Dagaal Ka Qarxay Magaalada Dhahar oo Dhexmaray Ciidamada Puntland iyo Kuwa Deegaanka Beesha Maakhir

July 15, 2025
Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay
Warar

Isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha Gobolka Banaadir oo Hal Bil Loo Kordhiyay

July 15, 2025
“Booliska oo Qabtay Koox Dilal ka Fulisay Muqdisho”
Warar

Booliiska Soomaaliya oo Soo Bandhigay Hub ay Ka Fashiliyeen Weerar Ay Maleeshiyaad Ku Qaadeen Guri Xukun Maxkamadeed Leh

July 15, 2025
Next Post

Agaasime Koofi & Madaxweyne Gaas oo ka wada hadlay ilaalinta xaduudka Soomaaliya

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Ammaanka Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa ku dhawaaqday inay xireen 82 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan...

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

by Liban
July 16, 2025
0

Addis Ababa – Ethiopia’s national intelligence agency has announced the arrest of 82 individuals suspected of being members of the Islamic State...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

by Ilhaan
July 16, 2025
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, iyadoo...

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

by Liban
July 16, 2025
0

Mogadishu – The Federal Government of Somalia has officially called on Puntland authorities to immediately halt hostilities in the Dhahar district of the...

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
Warar

Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
English News

Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
Warar

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm
English News

Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Maamulka Puntland oo Cambaareyn Culus u Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting
English News

Somalia and Algeria Deepen Educational Ties in High-Level Diplomatic Meeting

July 16, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Itoobiya oo Shaacisay Inay Xirtay 82 Qof oo Loo Heysto Xiriir ay la leeyihiin Ururka Daacish
  • Ethiopia Arrests 82 Suspected ISIS Members Allegedly Trained in Somalia’s Puntland
  • Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka oo Ka Hadashay Xiisadda ka Taagan Dhahar
  • Somalia Urges Puntland to Halt Escalation in Dhahar as Federal Government Calls for Calm

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00