Kooxda Daalibaan waxay ku dhawaaqday Xabbad-joojin 3 bilood socon doonta, haddii ay Dowladda Afganistan iyo QM fuliyaan Shuruudaha ku xiran Xabbad-joojintaasi.
Nader Naderi oo ka mid ah Wada-xaajoodayaasha Dowladda Afganistan oo la hadlay Telefishinka 1TV News ayaa sheegay in Xabbad-joojinta hirgeli doonto marka ay Dowladda Afganistan sii dayso 7,000 oo Maxbuus oo Ururka Daalibaan ka tirsan, kuwaasi oo ku xiran Xabsiyada Dowladda Afganistaan.
Mas’uulkaasi waxa kale oo uu xusay inay Daalibaan ku baaqday inay QM ka saarto Liiska Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.
Dhanka kale, Dowladda Afganistan weli kama hadlin Shuruudaha Ururka Daalibaan ee ku aadan Xabbad-joojinta, iyadoo ay Maleeshiyadda Daalibaan ay qabsadeen dhul ballaaran oo ka tirsan dalkaasi.