Ururka Daalibaan oo la wareegay Panjshir iyo Mucaaradka oo baxsaday

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay inay si buuxda ula wareegeen Gobalkaasi oo ay haysteen Kooxda Xoogaga Iska-caabinta Daalibaan ee NRFA.

Afhayeenka Daalibaan, Bilaal Kariimi ayaa waxaa uu shaaciyey inay si buuxda ula wareegeen Gobalkaasi. Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ee Daalibaan ayuu ku yiri: “Gobalka Panjshir waxa uu soo galay Kontoroolka Imaaradda Islaamiga er Afganistaan”.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa waxaa ay dabaaldeg ka dhigeen Caasimada dalkaasi ee Kabul, iyago rasaas Hawada Sare u ridayey.

Madaxda Kooxda Iska-caabinta Gobalka Dooxada Panjshir waxaa la sheegay inay u baxsadeen dalka Tajakistan, kadib markii ay Daalibaan gudaha u soo galeen Gobalkaasi.

Higgaamiyihii Jabhadda Iska-caabinta, Axmed Mascuud Madaxweyne-ku-xigeenkii dalkaasi, Amrullah Saalax waxay u baxsadeen dalka Tajakistan oo deris la ah Afganistan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor