Faah faahin:-Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo weerar lagu dhaawacay

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo habeenimadii xalay lagu qaaday Guri ay Magaalada Jowhar ka deganaayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Weerarka oo geystay khasaaro ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay Guriga ay ku sugnaayeen Xildhibaanada oo ku yaalla xaafadda hantiwadaag ee Jowhar, waxaana weerarka la sheegay inay fuliyeen rag hubeysan oo baxsaday.

Inta la xaqiijiyay saddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle kuna sugnaa Guriga ayaa ku dhaawacmay weerarka, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Aadan Maxamed Muuse, Duwane Faarax Cali iyo Cismaan Cabdullaahi Dhoore.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka kadib la maqlay rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada, waxaana dhaawacyada Xildhibaanada la geeyay Xarun Caafimaad.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in laamaha amniga Maamulka Hirshabeelle ay howlgal baaritaano ah ka bilaabeen xaafadda hantiwadaag iyo xaafaddo kale oo ku teedsan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerar.

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa isku diyaarineysa doorashada Senatarada Aqalka sare oo maalmaha soo socda, iyadoo magaalada ay buux dhaafiyeen Musharaxiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo qeyb ka ah ololaha loogu jiro Doorashada Aqalka Sare.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor