Qoraal ay Ururka Daalibaan u direen Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayey ku sheegeen inuu ciiddankiisa kala baxo Afganistan, iyo inuusan Kharaj badan ku khasaarin Hawlgalkooda aan miro-dhalka lahayn.
Qoraalka furan ee Daalibaan u direen Madaxweynaha Maraykanka waxay uga digeen inaysan ku hodmin wararka aan xaqiiqda lahayn ee ay u soo gudbiyeen Madaxweynayaal hore iyo Jeneralada kale.
Milliteriga Maraykanka waxay qabsadeen Afganistan sannadkii 2001-dii, wuxuuna ku noqday Faragelintii ugu waqtiga dheeraa tan iyo dagaalkii Vietnam.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu wax yar ka sheegay arrimaha dalka Afganistan oo ay joogaan ku-dhawaad 8,400 Askari oo Maraykan ah.
©Radio Dalsan