Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootig (UNHCR) ayaa sheegtay inay Qaxooti Somali oo tiradoodu dhan tahay 18,278 qof ay iskooda ugu soo laabteen Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab tan iyo bishii December ee sannadkii 2014-kii.
Warbixin ay Hay’adda UNHCR shalay baahisay ayey ku sheegtay in qaxooti tiradooda dhan tahay 12,177 qof oo ka mid ah Tirada guud ee Qaxootiga ku soo laabtay Somalia dib u soo laabteen sannadkan 2016-ka.
Bishan July 1-dii ilaa 15-dii waxaa iskooda ugu soo laabtay Somalia qaxooti ay tiradoodu dhan tahay 1,278 qof.
UNHCR waxay sheegtay in Qaxootigaasi badankooda dhulka soo maraan, halka 150 ka mid ah Diyaarad lagu keenay Muqdisho.
Dowladda Kenya iyo UNHCR ayaa ka wada shaqeynayso sidii in ka badan 300,000 oo Qaxooti Somali ku nool Xeradda Dhadhaab iyo magaalladda Nairobi loogu soo celin lahaa Somalia, tan iyo markii ay Kenya ku dhawaaqday bishii hore inay xiri doonaan Xerada Dhadhaab oo ah Xeradda ugu ballaaran Caalamka ee ay dad Qaxooti ah ku nool yihiin.
©Radio Dalsan