Markab Xamuul oo waday Shixnad Gargaar raashin ah ayaa shalay ku soo xirtay Dekedda weyn ee magaalladda Muqdisho, kaasi oo ay Dowladda Masar ugu deeqday Dadka Soomaalida.
Shixnadaasi oo culayskeedu dhan yahay 163 tan ayaa waxaa maanta si rasmi ahaan loogu wareejiyey Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federalka, C/rashiid Maxamed Xiddig.
Danjiraha Masar u jooga Somalia, Waliid Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in deeqdan ay ugu tala galeen dadka Soomaaliyeed, isla markaana aysan noqon doonin gargaarkii ugu dambeeyay ,mar walbana Masar ay taageereyso shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda.
©Radio Dalsan