Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka baaqday Socdaal la qorsheeyey oo uu kaga qeyb lahaa Shirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM(The UN General Assembly ) oo looga hadlayo Arrimaha Qaxootiga ku dhibaataysan Dalalka Caalamka.
Ma cadda sababaha uu Uhuru Kenyatta uga laabtay qorshihii uu ka qeyb geli lahaa Shirweynayaashaasi oo ay ku madalsan yihiin Hoggaamiyayaasha dalalka Caalamka, si ay Xal mideysan uga gaaraan dhibaatooyinka haysta Qaxootiga ku dac-daraysan Caalamka.
Madaxweyne-ku-xigeenka Kenya, William Ruto ayaa la sheegay inuu hoggaminayo Wafdiga Dowladda Kenya uga qeyb galayo SHirweynaha 71-aad ee Golaha Guud ee QM.
Baaqashadda Uhuru Kenyatta ee Shirkaasi ayaa timid, iyadoo ay Beesha Caalamka ka soo horjeedaabn Qorshaha Dowladda Kenya ku xirayso bisha November Xeradda Qaxootiga Dhadhaab oo ah tan ugu ballaaran Caalamka oo dhan.
Hay’addaa u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch si kulul u cambaareeysay Siyaasadda Dowladda Kenya ee khasbaka loogu celinayo Qaxootiga Soomnaalida ee ku nool Xeryaha Kenya.
Warbixinta Human Rights Watch soo saartay Isbuucan ayaa lagu sheegay inuusan Nidaamka Dowladda Kenya ku celinayso Qaxootiga Soomaalida ku jirta Xeradda Dhadhaab ahayn mid u dhigma Nidaamka Caalamiga.
Sidoo kale Human Rights Watch waxay ku eedeysay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR inay siiyaan Qaxootiga ku laabanayo Somalia warbixin qaldan oo ay Qaxootiga khatar kula kulmi karaan.
©Radio Dalsan