Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa baajiyey Safar rasmi ah oo uu ku tegi lahaa dalka Angola, kadib, weerarkii shalay ka dhacay Hotel ku yaalla magaalladda Mandera ee W/bari ee dalkaasi.
Hadal qoraal oo uu Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya, Manoah Esipisu xalay soo saaray ayuu ku sheegay inuu Madaxweynaha u baaqday, si uu Taageero ugu muujiyo Qoysaska ay Dadka kaga geeriyoodeen iyo kuwa ay kaga dhaawacmeen Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Hotel ku yaalla Mandera.
“Madaxweynuhu waxa uu si xoogan u cambaareeyey Weerarkaasi, waxayna Hay’addaha Ammaanka samayn ddoonaan wax kasta oo awoodooda, si ay dadkii ka dambeeyey weerarkaasi loo hor keeni lahaa Sharciga” ayaa lagu yirii Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyadda Kenya.
Madaxweynaha Kenyaa waxa uu sheegay si loo guuleysto Dagaalkaasi in loo baahan yahay inay Dadka Kenyanka midoobaan, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’addaha Ammaanka.
Dhinaca kale, Xarakadda Alshabaab ayaa horey u sheegay inay ka dambeeyeen Weerarkii ka dhacay Hotelka Bishaaro ee magaalladda Mandera, isla markaana ay ku dileen 12 qof oo aan Muslim ahayn.
©Radio Dalsan