Uhuru Kenyatta oo Booqanaya Jaamacada Gaarisa

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa booqasho ku tagaya xarunta jaamacada Gaarisa ee Waqooy Bari Kenya kadib weerarkii Al Shabab ay ku dilen in ka badan 140 ruux oo u badnaa ardayda Jaamacada.

Uhuru ayaa kulan la qaatay madaxda magaalada Gaarisa iyo ururada bulshada halkasi ka shaqeeya.

Al Shabab ayaa weerar culus ku qaaday Jaamacada Gaarisa 2dii April sanadkii 2015kii halkasi oo ay ku dilen in ka badan 140 qof oo isugu jiray Arday iyo ciidamada Amniga.

Kenya ayaa weeraro kala kulmeysay Al Shabab tan iyo markii ay ciidamo u soo diren Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor