Afhayeenka Kooxda Gurmadka ee loogu yeero Gurmadka Koofiyadaha Cadcad, Ibraahim Abu Lay too ku sugan Aleppo ayaa sheegay inay in ka badan 87 kalena ku dhaawacmeen Duqeyntaas, oo qaar ka mid ah xaalladooda aad u liidato.
In ka badan 50 Gantaal ayaa lagu duqeeyey goobaha ay Kooxaha Hubeysan ka joogaan Bariga Aleppo.
Mar sii horreysay Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya iyo kuwa Syria waxay duqeeyeen Suuq ku yaalla Xaafadda Fardowsa ee Aleppo, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 22 qof.
Dhinaca kale, Dhakhaatiirta MSF ayaa sheegay inay Aleepo ka hawl galaan 35 Dhakhtar oo keliya, iyadoo ay 275,000 oo qof ku go’doonsan yihiin magaalladaasi.
11 Ambalaas oo keliya ayaa ka hawlgashay Aleppo, iyadoo Adeegyadii Isbitaalka lagu burburiyey Duqeymaha sii socdo ee lagu hayo Maleeshiyadda ku sugan halkaasi.
©Radio Dalsan