Uganda oo Meesha Ka Saarantay Iney Ciidamo U Direyso Dalka Burundi oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya

Dowladda Uganda ooh ore Ciidamo ugu soo Dirtay Dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan ayaa si cad isaga Diiday iney Ciidamo u dirto Dalka Ciidamadda Nabad ilaalinta ay ka joogaan Soomaaliya Ee Burundi.

Dalka Burundi waxa imminka ka jirta Xaaladda kacsan oo ka soo bilaabatay Afgambigii Fashilmay Ee 13 bishan may ay isku dayeen Saraakiil ka tirsan Militariga Dalka Burundi oo doonayay iney meesha ka saran Madaxweynaha Dalkasi Pierre Nkurunziza oo doonaya inuu mar Seddex noqodo Madaxweyne.

‘’ Imminka qorshaha nooguma jirto inaan Faragelin military ku sameyno Dalka Burundi’’ waxa sidasi u sheegay Wakaalada Wararka Reuters Ruhakana Rugunda oo ka tirsan Masuuliyiinta Dalka Uganda.

Uganda ayaa Ciidamo u dirtay Dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Sudan tan iyo intii u dhaxeysay 2007dii ilaa iyo 2013kii.

Burundi oo ah Dalka Imminka laga hadlayana waxa Soomaaliya kaga sugan Ciidamo gaaraya in kabadan 5 kun oo askari.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor