Uganda oo loo gacan geliyey Hoggaamiye Islaami oo gacansaar la lahaa Alshabaab

Hoggaamiyihii Isbahaysiga hubeysan ee Ciiddanka Dimuqraadiyadda ee ka soo horjeeda Dowladda Uganda, Jamiil Mukulu ayaa la sheegay in uu ku xiran yahay Saldhiga Boliska ee Jinja ee dalka Uganda, kadib, markii ay Dowladda Tanzania  u soo gudbiyeen Dowladda Uganda.

Jamiil Mukulu oo 51-jir waxaa bishii April lagu xiray dalka Tanzania, kadib, markii ay Boliska Caalamiga ee INTERPOL horey u soo saareen amar lagu soo xiray Hoggaamiyahaasi oo dagaal hubeysan waday muddo 20-sanno.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in Hoggaamiyaha Isbahayiga ADF, Jamiil Mukulu uu gacansaar la lahaa Alshabaabka Somalia, isla markaana ay Kooxdiisa ka mas’uul yihiin weeraro dad lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Uganda.

Dowladda Uganda waxay ku eedeeeyaan  Dagaalamayaasha Alshabaab inay ka dambeeyeen mas’uuliyadda qaraxyaddii matanaha ee bishii July  ee sannadkii 2010-kii ka dhacay magaalladda Kampala laguna dilay 76 qof.

Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Uganda, Jeneral Kaale Kayihura ayaa sheegay in qabashadda  Jamiil Mukulu tahay  guul weyn, wuxuuna ku tilmaamay Hoggaamiyahaasi inuu Uganda ugala dhigan yahay Hoggaamiyihii Ururka  Alqaacida, Usaama Bin Laadin.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor