Maraykanka oo cambaareeyey weeraradii Alshabaab ku qaadeen Hoteelo ku yaalla Muqdisho

Dowladda Maraykanka ayaa si kulul u cambaaraysay weeraraddii iyo qaraxyaddi iay Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ka geysteen Hoteelladda Siyaad, Wehliye iyo Fariisinka ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Garoonka Mogadishu Stadium.

Hadal qoraal ah oo uu shalay soo saaray Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kirby waxa uu ku ammaanay Ciiddanka Dowladda iyo kuwa AMISOM tallaabaddii dhaqsaha lahaa ee ay kaga hortegeen weeraradaasi.

Afhayeenka waxa uu tacsi u diray qoysaska iyo Saraakiisha Dowladda ee ay dadka ay kaga geeriyoodeen weeraradaasi, wuxuuna dhaawacyaasha u rajeeyey bogsasho dhaqso ah.

Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kirby waxa uu tilmaamay inay Dowladda Maraykanka iyo Beesha Caalamka kala shaqeyn doonaan Dowladda Somalia sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu doonayo in lagu soo celiyo nabadda iyo deganaanshaha Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor