Afhayeenka Boliska Uganda, Fred Enanga ayaa sheegay inay fashiliyeen isku-dau weerar oo lala maaganaa Jaamacadda Busitema University oo ku taalla Galbeedka dalkaasi.
Afhayeenka oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Nairobi ayaa sheegay inay xireen Nin asalkiisu Somali yahay, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu qorsheynayey weerarkaasi.
Telefishinka NTV ee dalka Uganda ayaa baahiyey inuu Afhayeenka sheegay in Muwaadinka Soomaali oo magaciisa lagu soo koobay Cabdikariim uu lacag badan u ballanqaaday Arday ka mid ah Jaamacadda Busitema University, si uu u fuliyo weerar lagu dilayo Ardayda Jamaacaddaas, waa sida uu Afhayeenka Boliska Uganda hadalka u dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay weli jiraan cabsida dhinaca weeraradda ay  Alshabaab qorsheynayaan inay ka fuliyaan gudaha Uganda.
Dowladda Uganda ayaa bilowgii bishan sheegtay inay Xarakadda Alshabaab qorsheynayaan weero ay ka geystaan Xarumaha Waxbarashadda ee ku yaalla Wadadda halbowlaha (Haaywaga) ee u dhexeeya Kampala iyo Degmadda Jinja.
Ammaanka Guud ee dalka Uganda ayaa la adkeeyey, tan iyo markii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishan April 2-dii weeraro ka geysteen Jamaacadda Garissa, laguna dilay ku-dhawaad 150-qof oo u badnaa Ardayda Jamaacadda.