Uganda oo doonaysa inay magan-gelyo siiyaan Cumar Xasan Al-Bashiir

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Uganda, Henry Okello Oryem ayaa sheegay inay ka baaraan-degayaan inay Madaxweynihii hore ee Suudaan, Jeneral Cumar Xasan Albashiir inay siiyaan magangelyo.

Wasiirka oo Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Barlamaanka Uganda ee magaalladda Kampala waxa uu tilmaamay inuu Al-bashiir door muhiim ah  ku lahaa Heshiiskii Nabadda ee la kala dhex dhigay Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa ee dalka Koonfurta Suudaan.

“Haddii uu Albashiir naga soo codsado magangelyo uu ku joogo Uganda, taasi waa arrin uu garwaaqsan karo Madaxwyne Yoweeri Museveni: ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Uganda.

Dhinaca kale, Henry Okelllo Oryem waxa uu ku celceliyey inay dowladda Ugandha si dhow indhaha ugu hayaan Xaalladaha dalka Suudaan, isla markaana ay muhiim tahay in si nabad ah lagula kala wareego xilka, iyadoo la xushmeeynayo Rabitaanka Shacabka Suudaan.

Comments
Loading...