Turkiga oo sheegtay inay la dagaalami doonaan Alshabaab.

Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee : alaraby.co.uk waxay Dowladda Turkiga ku soo biiraysa Hawlgalka ay AMISOM kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab.

Turkiga ayaa go’aankaasi qaatay, iyado ola filayo inay bisha soo socoto Saldhig Milliteri oo weyn ka furtaan Muqdisho, kaasi oo lagu kharaj gareeyey lacag dhan 50-million oo Dollar.

Waana Saldhigga Labaad ee ay Turkiga ku yeeshaan Caalamka, wauxuuna Saldhigaasi noqon doonaan Saldhiggii ugu weynaa ee abid laga dhiso Somalia.

Ilo Milliteri ayaa sheegay in Saldhigaasi lagu tababari doono  500 Askar cusub muddo hal sanno ah, si ay ula dagaalaman Alshabaab.

Dowladda Turkiga waxay horey u qorsheysay inay dib u dhisaan, isla markaana tababaraan Ciiddanka Somalia, kuwaasi oo horey u haysanin tababar ama aysan si joogto ah u helin Mushaarkooda.

Tallaabadda ay Turkiga ku sheegeen inay ka qeyb galayaan Dagaalka Alshabaab ayaa yimid, iyadoo ay ku soo wajahayaan Tartan Gobalka, iyadoo Dowladda Imaaraadka doonayso  inay dhisaan Ciiddankooda ku sugan Mandiqadda.

Imaaaradka waxay Maamulka Somaliland la saxiixdeen Heshiis horseedaya inay Saldhig Milliteri ka dhigtaan magaalladda Berbera.

Xigasho: alaraby.co.uk

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media