RW Iraq iyo Donald Trump oo ka wada hadlay Dagaalka Daacish, xilli uu Qarax ka dhacay Baqdaad.

Xaydar Al-cabadi iyo Mdaxweyne Trump aya xlay kulan ku yeeshay Aqalka Cad, iyagoo diiradda saaray Xiriirka Labada dal iyo Dagaalka Daacish.

Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inay Madaxweyne Trump iyo RW Al-cabaadi wad qireen inaan Dagaal Milliteri oo keliya looga guuleysan karin Kooxda Daacish.

Dhinaca kale, ugu yaraan 23 qof ayaa geeriyootay, 45 kalena wey ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay goobo ganacsi oo ku yaalla Degmadda Xay Al-camil ee Galbeedka Baqdaad.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay qaraxaasi oo loo adeegsaday gaari miineysan.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media