Turkiga oo Markab wada shixnad Gargaar u soo dirtay Somalia iyo Ethiopia.

Sida aynu ka soo xiganay Wakaalladdda Wararka Turkiga ee Anadolu News Agency, Markab Xamuul oo wada 11-kun oo Tan oo Gargaar Aadminimo ayaa shalay ka soo furtay Dekedda magaalladda Mersin ee Koonfurta Turkiga

Ku-xigeenka Madaxa Ururka Bisha Cas ee dalka Turkiga, Ismaaciil Haki Turunj  inuu Markabkaasi ku soo wajahan yahay  Dekeddaha Maamulladda Somaliland, Puntland, wuxuuna Markabkaasi ku raran shixnad ay ka mid yihiin Sonkor, Bur iyo Badeecado kale

Waxa uu tilmaamay in Ilaahay mahadiisa deeqdaasi loo qeybin doono dad tiradooda ku dhowdahay 178-kun oo qof oo aad ugu baahan in loo gargaaro.
Madaxa Waaxda Difaaca Madaniga ee Hay’adda Turkiga ugu qaabilsan Maareynta Gurmadka Masiibooyinka  (AFAD), Ahmed Atiik ayaa sheegay inay tahay markii 12-aad ee Markab wada Gargaar Aadminimo oo ay Turkiga u soo diraan dalka Somalia.

Dhinaca kale,  62-kun oo Tan oo ka mid ah Deeqda uu wado Markabkaasi waxaa loogu talagalay dadka ku dhibaataysan Somalia.

Sidoo kale, qeyb ka mid ah  Kaalmadaasi waxaa loogu tala galay dadka ku dhibaataysan dalka Ethiopia, waxaana rarkooda loo sii marsiin doonaa Dekedda dalka Jabuuti.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media