Wakaalladda Wararka ee Dogan News Agency ayaa maanta sheegtay in ay Boliska Turkiga xireen Nin haysta dhalashadda dalka Beljim, balse asalkiisu yahay Morokaan, kaasi oo la tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa Weerarkii ka dhacay Paris ee lagu dilay 129-qof. Ninka la qabtay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed Dahmaani oo 26-jir ah, kaasi oo ku sugnaa Hotel ku yaalla Degmadda loo dalxiis tago ee Anatalya ee Koonfurta Turkiga.
Boliska waxay kaloo qabteen labo nin oo u dhalatay Syria, kuwaasi oo ay Kooxda Daacish u soo dirtay inay soo gelbiyaan Axmed Daxmaani oo isaga la socday Diyaarad ka soo degtay Garoonka Antalya.
© Radio Dalsan