Trump oo ka hadlay in Markale fagaare uu ka soo muuqdo Kim Jong-un

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Madaxweyne  Kim Jong-un uu mar kale fagaarayaasha ka soo muuqda isaga oo caafimaad qaba.

“Waa ku faraxsanahay in uu dib u soo laabt isaga oo wanaagsan! waxaa sidaai bartiisa Tweetar-ka ku qoray Mr Trump, ka dib markii la arkay Kim o xariiga ka jaraya warshad.

Waa markii ugu horeysay oo Mr Kim uu goob fagaara ah ka soo muuqdo muddo 3 toddoibad ah.

Kim Jong-un waxaa uu u muuqday mid faraxsan xilli ay jireen warar la isla dhexmarayay oo sheegayay inuu dhintay islamarkana ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta.

Sanadkii 2014-kii, ayaa Kim Jong-un la waayay muddo 40 cisho ah, waxayna taas keentay in wax la iska weydiiyo halka uu ku sugan yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media