Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Askar ka tirsan Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM loogu geystay halkaas weerar toogasho ah oo loo mareynayo inay fuliyeen rag ka tirsan Al-shabaab.
Weerarkan toogashada ahaa ee lagu qaaday Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxaa uu sigaar ah uga afaafka hore ee Saldhiga Ciidankaas ay ku leeyihiin degaanka Buurane ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.
Ugu yaraan laba askari Burundi ah ayaa lagu dhaawacay weerarka sida howlgalka AMISOM uu u sheegay idaacadda VOA.
Dadka ku sugnaa meel u dhow goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in askarta la dhaawacay la toogtay iyagoo taagan iridda laga galo saldhigga ay ku leeyihiin tuulada Buurane, iyagoona xiligaas Albaabka ka fuliyay gaadiid booyad ah.
Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka toogasha ahaa ee lagu dhawaacay Askarta ka tirsan Ciidanka AMISOM, hayeeshee weerarada lagu qaado Saldhigyada AMISOM ee Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa Mas’uuliyadooda sheegta Al-shabaab.