Waaberigii hore ee maanta oo Talaado ah ayaa waxaa la sheegay inay Diyaarad Milliteri oo ay leeyihiin Ciiddanka Cirka ee dalka Pakistan ku habsatay dhismooyin ku yaalla Tuulladda Mora Kalu oo u dhow magaalladda Rawalpindi.
Diyaaradaasi oo ku jirtay Duullimaad Tababar ayaa waxay ku dhacday dhismooyin la deggan yahay, iyadoo ay ugu yaraan 17 qof ku geeriyootay shilkaasi.
Faaruuq But oo ah Sarkaal ka tirsan Hay’adda Gurmadda Degdegga ee dalkaasi oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay inay 15 qof ku dhaawacmeen shilkaasi oo qaarkood aad u liita, waxaana laga cabsi qabaa inay dhimashadu sii korodho.
Waxa uu intaasi ku daray in dadka geeriyooday ay ku jireen carruur.
Dadka deggan Tuulladda Mora Kalu waxay sheegeen inay soo tooseen, kadib, markii ay maqleen qarax weyn iyo markii ay arkeen qeybo ka mid ahaa Diyaaradda ku gubatay meel ku dhow guryahooda.
Diyaraad Helikopter ayaa la arkayey oo dul heehaabayso halka uu shilku ka dhacay.
Dhakhtar lagu magacaabo C/raxmaan ayaa sheegay in maydadka Duuliyayaasha laga soo saaro guryaha ku gubtay shilkaasi, wuxuuna xusay in ugu yaraan 3 guri uu soo gaaray burbur xooggan.
Hadal ka soo baxay Milliteriga dalkaasi ayaa lagu sheegay inay 2 Duuliye, 3 Askari iyo ugu yaraan 12 qof oo rayid ah ku geeriyoodeen Shilka Diyaaradeed.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay ku jirtay Duullimaad caadi oo Tababar, markii ay soo dhacday, mana kala cadda waxa sababay inay Diyaaradu ku dul dhacdo Dhismooyin Rayidku lahaa.