Xasan Dhuxul Laab Saalax oo ah Abwaan ku nool Magaalada Hargeysa ayaa bartiisa Faceboo-ka ku daabacay maanso uu uga hadlayo umadda Soomaaliyeed isaga oo siweyn ugu fogaaday ka hadlaka jiritaanka Soomaali weyn.
Waxa uu sheegay in aysan jirin wax la yiraahdo Soomaali-weyn hase’ahaatee ay jiraan reero Soomaaliyeed cidda ugu badan ee erayadaan ka xanaaqdana ay tahay jiilka hadda jira sida uu hadalka u dhigayAbwaan Xasan Dhuxul Laab Saalax,waxaase uu sheegay in aysan jirin dunida cid shaki lageliyay Mustaqbalkiisa.
Qeyb ka mid ah maansadiisa ayuu uga hadlay sida ay u kala go’een 5-tii Soomaaliyeed isla markaana ay Dowlado kala sheeganayaan,waxaana erayada maansada ka mid ah.
Shantoo derisoo,
midiba doc tahoo
Dawlado kala tahay,
Xuduud Kala duway,
Wixii kala dira,
waxaa ka da’ weyn
Wixii isku dara,
markay dan tahee,
Wataa isku daran,
is wada dagaysee
Soomaali duntoo,
dunida ka hadhee
Abwaan laab Saalax ayaa soo hadal qaaday deganaashaha Magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay inta dad badan ay ka lulanayaan Hargeysa in aysan degeyn Muqdisho, inkasta qeb ka mid ah, isla qormadaan uu ku cadeeyay in uusan ku faraxsaneyn waxa ka dhacaya.
Geba-gebadii waxa uu yiri Waqooyi iyo Koonfur noqon maayaan Somali-weyn ee waa Somaliland iyo Soomaaliya.